Hargeisa
light rain
27.1 ° C
27.1 °
27.1 °
53 %
3.9kmh
97 %
Wed
27 °
Thu
30 °
Fri
31 °
Sat
30 °
Sun
32 °
spot_img
Wednesday, May 8, 2024

Somaliya Oo Diiday In La baadho Tacadiyada Ka Dhacay Gobolka Ethiopia.

UncategorizedSomaliya Oo Diiday In La baadho Tacadiyada Ka Dhacay Gobolka Ethiopia.
Golaha Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday ku anisixiyey samaynta guddi khubaro ah oo caalami ah oo baadhitaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadamaha ee dalka Itoobiya.
Codaynta ayaa dhacday kadib shir shalay lagaga hadlay xaaladda xuquuqda aadamaha Itoobiya, taasi oo saraakiisha Qaramada Midobay ay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka.
Codaynta shalay la qaaday ayaa 21 waddan oo ka mid ah waddamada ku jira Golaha Xuquuda Aadamaha ee Qaramada Midobya waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaasi, waxaana kasoo horjeestay 15 waddan, halka 11 ay ka aamuseen.
Waddamada ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Yurub oo ay ku jiraan Biritan iyo Jarmalka, halka kuwa kasoo horjeestay ay ku jraan Soomaaliya iyo Eritrea.
Dhammaan waddamada Afrika ee ku jira golahan ayaa iskugu jiray kuwo diiday iyo kuwo ka aamusay.
Waddamada ka aamusay waxaa ka mid ah Senegal, Liibiya, Malawi yo Suudaan.
Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex qof, waxayna la socon doonaan xaaladda xuquuqda aadamaha ee dalka Itooobiya muddo hal sano ah.
Dawladda Itoobiya waxay kasoo horjeesatay shirka shalay iyo dhismaha guddiga, waxayna sheegtay in shrika ay afduubeen dhinacyo leh dano siyaasadeed, sida hadalka loo dhigay.
VOA
<img class="j1lvzwm4" role="presentation" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles