Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Isse Keyd ayaa kulan ballaaran u qabtay Wakiilada dalalka dibadda ee Somaliland. Kulankaas oo ka dhacay magaalo xeebeedka Berbera, ayaa isugu jiray is xog-wareysi & tababar cusub oo u bilaabmi doona wakiiladaas. Waxay Wakiiladaasi ku sugnaan doonaan magaalada Berbera muddo toddobaad ah.