Hargeisa
clear sky
29.1 ° C
29.1 °
29.1 °
42 %
3.7kmh
9 %
Wed
30 °
Thu
29 °
Fri
29 °
Sat
31 °
Sun
30 °
spot_img
Wednesday, May 8, 2024

Ciidamadda Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland oo Heegan Buuxa La Geliyey.

Wararka CaalamkaCiidamadda Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland oo Heegan Buuxa La Geliyey.
(Khamiis, 13-01-2022)-Ciidamo kala duwan ayaa heegan la geliyay somaliland, magaalooyinka ciidanka heeganka la galiyay waxa kamida caasimada Hargeysa gar ahaan Masjid jaamac weyn ee Hargaysa, ilaa Shiraaqle ee xaafada New Hargeysa.
Maalmihii u dambeyey waxaa jiray muran siyaasadeed oo u dhaxeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, gaar ahaan, Xisbiga Waddani oo ay dawladda aad ugu muransanyihiin muddo korodhsi dawladda loo sameeyo iyo furista ururada. lama oga sababta  xukuumadda somaliland ciidanka booliiska  u gelisay heegankan buuxa.
Sidoo kale shalay uun bay ahayd markii bayaan uu soo saaray Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  uu xukumadda madaxweyne Biixi uga digay inay ciidanka arrimaha siyaasada u adeegsato.
Musharrax Cirro oo Maanta ka hadlaayey xaflad meher ayaa dawladda aad u dhaliilay isaga oo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Biixii aad u dhaliilay.
“Muusow haddii wakhtigaagu dhamaado cidna qasab kuma xukuma kartid, shacabkuna diyaar uma aha muddo kordhin aan ku banaysato qas siyaasadeed oo aad dalka galiso”
Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro.
Xafiiska Wararka Hargeysa Herald.                                                                                  Xafiiska Magaalad Hargeysa.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles