Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Wararka CaalamkaWefti EU-da & UK ka socda oo Kulan la yeeshay Shirgudoonka Golaha Wakiiladda & Guddiga Doorashooyinka

Wefti EU-da & UK ka socda oo Kulan la yeeshay Shirgudoonka Golaha Wakiiladda & Guddiga Doorashooyinka

 Wafti ka socdey wakiilada midowga Yurub iyo UK ayaa booqasho ku yimid dalka si ay isku xog wareystaan hagaanada kala duwan ee dalka. Waxay ugu horeynba la kulmeen golaha Wakiilada & gudiga doorashooyinka Somaliland. Golaha Wakiilada, waxay la kulmeen Shirgudoonka Golaha iyo Xubnaha Guddida Arrimaha Dibada iyo Maamulka.
Kulankan oo si qiime leh u dhacay, waxaa gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Ahmed. Ugu horeyn waxaa kulanka furay Gudoomiyaha waxaanu si diiran ugu soo dhaweeyey wakiilada midowyga Yurub iyo UK, isagoo Gudoomiyuhu xusey in taageeradooda ay ku mahadsanyihiin guud ahaan ay Somaliland siiyaan iyo Golaha Wakiladaba.
Intaa ka dib, Xasan Xiis oo la- taliyaha Arrimaha Dibada ayaa presentation Kooban la wadaagey xubnaha ka socdey midowga Yurub iyo UK, presentation oo ahaa soo koobid guud ahaan baahiyaha Golaha Iyo Meelaha uu Strategy-ga qabyada ah ee Goluhu diirada saarayo in la hagaajiyo.
Intaa ka dib, xubnaha ka socdey midowga Yurub iyo UK, ayaa su’aalo waydiiyey Shirgudoonka ku saabsan meelaha mudan in ay wax ka qabanayaan mustaqbalka dhaw.
 
Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen doorka Golaha Wakiilada ee ku saabsan dhamaystirka xeerarka muhiimka u ah nabada, dimuquraadiyada, Doorashooyinka iyo arrimaha bulshada.
Kulanka wuxuu ku soo dhamaadey, jawi degan oo is-afgarad. Waana markii ugu horey ee ay wafti intan miisaankiisu leegayahay Golaha Wakilada yimaadaan, tan iyo markii Golaha Wakiilada ee cusubi ay Xafiiska yimaadeen.
Sidoo kale waxay la kulmeen Komishanka Doorashooyinka S/land Komishanka. Kulankaa ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.
Waftigaasi waxa uu ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles