Hargeisa
scattered clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
67 %
1.3kmh
29 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
24 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedTaliska PSF: Waxaan Dagaal kula Jirnaa Dad Argigxisada Ka tirsanaa oo Xasaanad Dowladdeed ku Gabanaya

Taliska PSF: Waxaan Dagaal kula Jirnaa Dad Argigxisada Ka tirsanaa oo Xasaanad Dowladdeed ku Gabanaya

Arbaco, (Boosaaso, December, 22, 2021) – Taliska ciiddanka PSF ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu mas’uul ka yahay dagaalka labada cishe ka socda magaalada Boosaaso, waxayna sheegeen dhankooda in ay xun yihiin dhibaatada  iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee PSF, ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu diiday gartii iyo go’aamadii kasoo baxay Isimada Puntland.

PSF waxay sheegtay in ay dagaal kula jiraan dad argigixisada ka tirsan oo ku gabanaya xasaanad dowladdeed. Waxay kaloo sheegeen in ay mar walba u taagan yihiin difaaca nabadda Puntland iyo la dagaalanka argigixisada.

Agaasimihii hay’adda PSF, Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidaan yiri,” Waxaan ku jirnaa dagaal iyo is difaac. Dalkaan waan u soo dagaallanay, mana doonayno in aan hubkayaga aan u isticmaalno ciidamadaya la soo khalday”.
Warka kasoo baxay hay’adda PSF ayaa imaanaya, iyadoo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal kasta oo lagu dhameynayo colaadda magaalada Boosaaso.
Xigasho Hiiraan online
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles