Hargeisa
light rain
23 ° C
23 °
23 °
68 %
1.5kmh
65 %
Sat
31 °
Sun
32 °
Mon
32 °
Tue
32 °
Wed
31 °
spot_img
Saturday, May 11, 2024

Maxaad ka Taqaanaa Kiniinka Asprin?.

Dookha NoloshaMaxaad ka Taqaanaa Kiniinka Asprin?.

Aadamuhu waxa uu yaqaanay xilliyo hore in Kiniinka Asprin uu yareeyo kaarka iyo xummaada, garaaca wadnahana  hoos ayuu u dhigaa. Waxaa la helay faa’iidooyin caafimaad oo kale sanadahan. Kiiniinka Asprin, xaddi yar oo la qaataa waxay yaraysaa halista caafimaad ee uu sababo faaliga keena wadno-is-taagga. Sidoo kale, khubarada caafimaadku waxay ka digaysaa in asiidha uu ka samaysanyahay kiniinkani ay keento dhiigista caloosha iyo mindhicirada.

Haddaba, muxuu kiniinka Asprin ugu noqday muhiim caafimaadka dadka. Sanado badan ka hor, Dhakhtarkii caanka ahaa ee reer Giriig, Hippocrates, waxa uu dadka kula talin jiray in ay calaashadaan jirridda iyo caleenta geedka loo yaqaano “WILLOW”. Geedkan, waxaa ku jirta walaxda kiimikaad ee loo yaqaano,”SALICIN”. 1800-kii, khubaro caafimaad oo cilmi baadhis sameeyey waxay soo saareen  in geedkan ay ka sameeyaan  walaxda kiimikaad ee loo yaqaano “Salicylic acid”. 1897-kii, khabiir ku takhasusay kiimikada, Felix Hoffmann waxa uu soo saaray kiimikada uu ka samaysanyahay kiniinka Asprin ee “Acetyl Salicylic Acid”.

Kiniinka Asprin waxaa laga keenay xuruuf la soo gaabiyey, “A” waxaa laga keenay Acetyl, “Spir” waxaa laga keenay Spirea Plant, oo laga soo saaro kiimikada Salicin, halka “In” ay ka turjumayso hanaan ay ku dhammaadaan daawooyinku.

1982, saynisyahan ingiriis ah baa shahaadada “Nobal Prize” ku qaatay kadib markii uu soo saaray sida kiniinkan Asprin u shaqeeyo. Markii uu daahfuray in kiniinkani uu xannibo walaxda kiimikaad ee jidhka aadamuhu soo saaro ee loo yaqaano “Prostaglandins”.

Prostaglandins, waxay jidhka aadamaha ku leedahay saamayn xooggan. Prostaglandins, waxay sababtaa kaarka jidhku sameeyo, waxay keentaa bararka nudayaasha jidhka ee dhaawacu soo gaadho. Qaar kale, waxay ilaalilyaan nudayaasha ku hareeraaysan caloosha iyo mindicirada.

Sidoo kae, walaxdan kiimikaad ee jidhku soo daayo, “Prostaglandins” waxay ka dhigtaa wadnaha, kelyaha, iyo xididada dhiiga qaar si fiican u shaqeeya. Sidaas darted, Kiniinka Asprin, waxa uu xannibaa shaqada prostaglandins. Kiniinka Asprin waxaa loo isticmaalaa xummad jebin ahaan, waxaanu ka tirsanyahy nooca loo yaqaano NSAID, non-steroidal anti-inflammatory drug.

Lawrenece Craven, oo ah dhakhtar Maraykan ah, ayaa lixdan sano ka hor, markii  ugu horraysay sheegay in kiniinka Asprin uu sababo dhiig-bax, markuu uu siiyey ilma yar oo uu qalliin ku sameeyey si uu kaarka xummadda uga yareyo. Dhakhtar  Lawrence Craven, waxa uu aaminsanaa in dhiig-baxan uu yimid markii kiniinkani ka ilaaliyey in dhiigu sameeyo xinjiraw. Dhakhtarkani waxa uu ikhtiraacay fikradda ah, kiniinka Asprin waxa uu yareeyaa xanuunka faalugga , waxaa dhiigga ka ilaaliyaa xinjirawga.

Charles Hennekens, oo ka socda jaamacadda Harvard, sanadkii 1983, waxa uu bilaabay cilmi baadhis. Waxaanu ku sameeyey 22-kun oo nin. Kale badh waxa uu maalin kasta liqsiiyey kiniinka Asprin. Qaybti kalena waxa uu siiyey kinin u eeg Asprin.

Shan sano ka dib, Charles Hennekens, waxa uu soo weriyey in dadkii qaatay kiniinkii saxda ahaa ee Asprin ay ka badbaadeen xanuunada wadna xanuunka, iyaga oo yeeshay cillad kale oo ah in maskaxda dhiig kaga furmo.

Ugu danbayn, kiniinka Asprin, waxa uu yareeyaa kansarka ku dhaca xididada dhiiga, kansarka haleela Qanjidhka Prostate-ka, iyo mindhicirada. Sidoo kale, kiniinkani waxa uu xannibaa unugyada kansarka ah ee dhiiga dhex socda si ay u faafaan.

 

Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Hargaysa, Somaliland.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles