Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedMaraykanka iyo Somaliland oo Heshiis Wada gelaaya.

Maraykanka iyo Somaliland oo Heshiis Wada gelaaya.

Dawladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay Somaliland la gasho heshiis dhanka amniga ah oo ka gaar ah ka ay kula jirto Dawladda Soomaaliya, sida ay sheegayso warbixin uu soo saarey Aqalka Congress-ka Mareykanka November-4-2021.
Arrintan ayaa timid kadib markii Senator James Risch uu soo jeediyay in wax ka baddal lagu sameeyo ‘Xeerka Difaaca Qaranka’ dawladda Mareykanka. Sidoo kale warbixinta Congress-ka waxa lagu sheegay in la sameeyo baadhitaan xaqiiq-raadin ah oo la xidhiidha iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca ee Somaliland iyo Mareykanka. Waxaana xusid mudan in hadda Somaliland ay ku sugan yihiin xubno ka socda shaqaalaha Congress-ka Mareykanka.
Maraykanku waxa kale oo uu bogaadiyay xidhiidhka dhanka amniga iyo difaaca ee Somaliland iyo Taiwan. Isla warbixintan, Congress-ka Maraykanka ayaa Somaliland ku ammaanay in ay ka aqbashay codsigiisii la xidhiidhay caawimaadda iyo daadguraynta muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka jilicsan ee reer Afghanistan ee ku sugnaa dalka Afghanistan wakhtigii ay Daalibaan qabsatay halkaasi.
khaalid foodhaadhi.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles