Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo arintan ka hadlay Shalay wuxuu yidhi “Xanuunkii cusbaa ee dunida soo galay ayey wax inagaga soo kordheen, inkasta oo aynaan haynin wax lagu baadho inuu kii yahay, laakiin wixii ku dilaaba waa ku wed ee kolayba waa Covid ama ka cusub ha ahaado ama kii hore ha ahaadee, iyadoo xilligan talaal socdo oo Gobollada oo dhan ka socdo, sidii hore la idinku sheegayna inuu talaalku yahay waxa kaliya ee la og yahay ee lagaga hor tagi karo, waxaanu dadka ku baraarujiynaa in wixii digniino iyo tilmaamo idinka imanaya Wasaaradda Caafimaadka ee aad aragtaan, inaad u dareertaan..”