Hargeisa
broken clouds
24.7 ° C
24.7 °
24.7 °
46 %
11.4kmh
64 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedDhibaatooyinka Caafimaad ee Tubaakada (Qiijinta Sigaarka). Qalinkii Sadam Osman Kaabash.

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Tubaakada (Qiijinta Sigaarka). Qalinkii Sadam Osman Kaabash.

Saynisyahanadu waxay heleen in ka badan afar kun oo walax kiimikaad ah oo ku jira sigaarka, Cilmi baadhis caafimaadna lagu xaqiijiyey. Ugu yaraan laba boqol iyo konton(250 walxood) waxaa la xaqiijiyey in ay leeyihiin khatar caafimaad. In kabadan konton walxoodna ay sababaan kansarka noocyadiisa kale duwan. Sigaarka waxaa ku jira walaxda kiimikaad ee looyaqaano arsenic: oo loo adeegsado in lagu cidhib tiro geedaha iyo xayaanka yaryar ee dhibka badan.  Sidoo kale, waxaa ku jira walaxda kiimikaad ee looyaqaano Formaldehyd oo ah: dareere kiimikaad oo loo adeegsado in jidhka aadamaha lagaga ilaaliyo in uu qudhmo.

Intaasba waxaa ka sii xun walaxda kiimikaad Nicotine oo ah walaxda ka dhigta qofka sigaarka ka cabbaya in uu u soo xiiso uuna qabatimo. Nicotine waxay keenta dhimasho  degdeg ah haddii uu qofku waayo sigaarka. Taas oo sababaysa in muruqyada ka masuulka ah neefsashadu in ay istaagaan.

In ka badan hal bilyan oo qof oo caalamka jooga ayaa maanta isticmaala tubaakada.  Khubarada caafimaadkuna waxay sanado badan ka digaysay dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha tubaakada iyo guud ahaan ba nuugista sigaarka.

Cabista sigaarku waxay sanadkii dishaa in ka badan shan milyan oo qof caalamka oodhan. Khubarada waxay leeyihiin sigaarku waa sababta keenta dhimasho kedis oo laga hortegi kari lahaa.  Waana shayga labaad ee dhimashada caalamka ugu badan keena marka laga yimaado kansarka oo kaalinta koowaad ku jira. Hasayasheeeye, isla cabista sigaarku waxay keenta kansarka noocyadiisa kale duwan. Khubadarada caafimaadka kuu xeel dheeri waxay  leeyihiin 40% tubaakada iyo sigaarku waxay keenaan khasaaro kale duwan oo ku dhacda aadamaha. Sidaas oo ay tahayna sigaarku waa shayga koowaad ee sabab kale badh kansarka dad ugu badani u dhintaan sanadkii.

Sidoo kale, sigaarku waxa uu sababa 40% xanuunada ku dhaca habdhiska dheef mareenka. Sida xanuunada xiiqda, bronchitis (caabuqa ku dhaca geedaha sambabada), emphysema. Sidoo kale, sigaarku waxa uu sababaa 10% xanuunada ku dhaca wadnaha iyo habdhiska wareega dhiiga. Isaga oo keena xanuunada ugu badan ee ku dhaca wadnaha, sababana in wadnuhu gaadhsiin waayo dhiiga qaybaha jdhka aakhirkana keena faaluga (stroke).

Cilmi baadhisaha casriga ahi waxay caddaynayaan  qofka cabbaa sigaarku wuu uga halis badanyahay laban-laab noloshiisa in uu ku dhaco xanuunka looyaqaano Alzeimers disease (xanuunka asaaqa). Asaasaqu waa xanuun sababa in qofka ay lunto xasuustiisu, sabababana in uu qof wax sababayn kari waayo.

Cilmi baadhis hore  loo sameeyey oo ay ka qaybqaateen in kabadan todoba kun oo qof, socotayna todoba sano, qofka ugu yarina ahaa 50 jir iyo wixii ka wayn, cilmi baadhistaas waxaa ka soo baxday in 50% dadkii sigaarka cabbaaayey ay la soo deristay xusuustooda oo luntay, marka la barbar dhigo kuwii aan cabbin sigaarka.

Sidoo kale, sigaarku waxa uu sababaa xanuunada gabawga keena ee sababa in muruqyada qofku si fiican u shaqayn waayaan. Aakhirkana keena macal qofku in uu indha beelo isaga oo aan gaadhin lixdan jir.

Waxaa layaab leh, dadka cabba sigaarku keliyaata ma dhibaateeyaan caafimaadkooda ee waxay halis kuyihiin caafimaadka bulshada ay la noolyihiin ee aan cabbin ama qiijin sigaarka weligood. Ururka Caafimaadka aduunka WHO, waxay ku qiyaastay dadka uumiga sigaarku soo gaadho ee aan cabbin ay sanadkii tiro gaadhaysa lix boqol oo kun oo qof ay u dhintaan. Ururka Ka Hortagga Kansarku isna waxa uu soo saaray in todoba milyan oo carruur ahi ay dhashaan sanadkii, carruurtaas oo sambabadooda ay ku jirto hawadii ay la socotay tubaakadu, sababtoo ah hooyooyinkood ayaa cabba sigaarka. Carruurtaas oo la dhalata cududrada sambabada, miisaankooda oo hooseeya oo ay soo dhashaan iyo korriinkooda oo hagaasa.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles