Hargeisa
light rain
25.3 ° C
25.3 °
25.3 °
51 %
4.7kmh
81 %
Thu
32 °
Fri
32 °
Sat
31 °
Sun
33 °
Mon
27 °
spot_img
Wednesday, September 23, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Dookha NoloshaDhakhtar Somali ah Oo Ka Mid Ah Culimada Sayniska Ee Ku Hawlan Soo saarista Dawada Kansarka.

Dhakhtar Somali ah Oo Ka Mid Ah Culimada Sayniska Ee Ku Hawlan Soo saarista Dawada Kansarka.

Khubarada caafimaadka ayaa muddo dheer ku howlan sidii ay daawo ugu heli lahaayeen cudurka halista ah ee kansarka, kaasoo noocyo badan leh, caalamkana saameyn ku yeeshay.
Seynisyahannada cilmibaaristan ku jira waxaa ka mid ah Dr Axmed Cali oo ah Soomaali ku sugan waddanka UK, kuna xeel dheer arrimaha caafimaadka.
Waxaa jirta rajo laga qabo in dawada kansarka laga soo saaro saddex sheey oo kala ah Dahab foox iyo malmal, kuwaasoo horay loogu adeegsaday daweynta cudurro ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo neefta.
Dr Cali oo hadda ku nool magaalada Newport, Wales, waxa uu caan ku yahay geedaha uu ka sameeyo barafuunka.
Waxa uu ka shaqeeyaa qaybta seyniska caafimaadka ee jaamacadda Cardiff, isagoo sameynaya tijaabooyin uu u adeegsanayo qalabkan oo uu doonayo inuu dawo ugu soo saaro fidinta maqaarka iyo cudurka kansarka.
Waxa uu Dr Axmed Cali ogaaday in geedaha barafuunka laga sameeyo ee laga helo Soomaaliya ay ka kooban yihiin kiimikooyin kala duwan oo loo adeegsan karo in lagu daweeyo xanuunno badan.
“Waxaan ogaannay in qalab laga dhex saari karo barafuunno kala duwan oo Soomaaliya laga helo kaddibna loo isticmaali karo daweynta kansarka. Waxaad ku dhex shubeynaa dhammaan unugyada kansarka qaba ee jirka, billowga ilaa dhammaadka. Taas waxay ka dhigan tahay inaad ka hor tageyso faafitaanka uu kansaku ku gaari karo unugyo kale,” ayuu yidhi Dr Axmed Cali.
Bbc
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles