Sabti, (Hargeysa, 25-12-2021)-Casus Belli oo ka faalooda Defence Company ayaa sheegay in wafdi ka socda Israel ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland HE.Muse Bihi Abdi sadex maalmood ka hor.
Hadii warka Casus Belli uu soo shaacbaxo, ayaa waxa ay arintan ay timid , kadib markii Samuel Ramani, uu soo wariyey maanta in dibloomaasiyiin Maraykan ah ay sheegeen in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka uu xoogaysanayo, iyada oo lagu xoojinayo xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.
Somaliland waxaa ku soo qulqulaaya wufuud caalamiya, waxaa ugu danbeyey todobaadkii hore oo ay somaliland soo booqdeen Wefdi ka socda Kongareska Maraykan oo la kulmay madaxweyne Biixi iyo Golayaasha Qaranka.