Hargeisa
broken clouds
21.7 ° C
21.7 °
21.7 °
63 %
9.2kmh
61 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Faallo | EditorialSheekaddii Xaaji Ibraahim Nuur iyo Maax Dugsiiye ee Awdal. Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen.

Sheekaddii Xaaji Ibraahim Nuur iyo Maax Dugsiiye ee Awdal. Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen.

Siyaasigii iyo Ganacsadihii weynaa ee Xaaji Ibraahim Nuur Ilaahay haw naxariistee ee ka mid ahaa waftigii gobanimadda ka soo saxeexay Ingiriiska June 1960 kii isaga iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Garaad Cali Garaad Jaamac, Axmed Keyse iyo Ina Cabdi Caraale oo xoghayn u ahaa. Wuxuu ka mid ahaa afartii Wasiir ee ugu horeeyey ee wasiiro noqda, wuxuu ka mid noqday Baarlamaankii ugu horeeyey ee lixdankii kolkii waqooyi iyo Koonfur loo midoobay isagoo laga soo doortay Boorama iyo Dilla, wuxuu ka mid noqday xukuumaddii ugu horeysay ee Soomaaliya oo uu wasiir ka noqday. Siyaasadda ka hor iyo ka dib wuxuu ahaa Ganacsade weyn oo maalqabeen ah. Haddaba ninkaasi xilligii Ingiriisku dalka haystay wuxuu raashinka ka iibin jiray goboladda Galbeedka.
Haddaba beri ayaa raashinkii qaaliyoobay oo dadkiina aad uga cawdeen. Ka dib odoyaashii reer Boorama ayaa ku heshiiyey inay isu yimaadaan oo arrinkaasi ay shir kaga tashadaan ganacsadahana si uu qiimaha u dhimo. Haddaba waxaa jiray nin aftahan ahaa oo la odhan jiray Maax Dugsiiye Ilaahay haw naxariistee. Maax Dugsiiye oo ay Xaaji Ibraahim isku fiicnaayeen ayaa arkay isagoo shirkii odoyaasha ku jiray in ay xaajaddu ku foorarto Xaaji Ibraahim Nuur oo ay odayaasha laba nin oo ka mid ahi ku shidayaan oo ay leeyahiin isagaa Bariiskii inagu qaaliyeeyey. Maax Dugsiiye ayaa kolkaa intuu soo booday yidhi; “Waar awalba Xaajigu Bariiska inaguumu qaali garayn jirine miyaa ilowdeen in Ingiriiskii canshuurtii inagu kordhiyey” halkii baa sheekadiiba is badashay oo odayaashii ay Ingiriiskii kula jeesteen. Mar kalena isla ninkaa Maax Dugsiiye ayaa isagoo sita mijin Qaad ah xilligii Ingiriisku qaadka mamnuucay ayaa lagu soo qabtay; kolkii ninkii Ingiriiska ahaa loo keenay buu Ingiriiskii ku yidhi; “Maaxoow inaad sharcigii jebisay miyaanad ogeyn oo Qaadku mamnuuc yahay!!” ismabuu lurine wuxuu Maax Dugsiiye ugu jawaabay; “Ingiriisoow adiguba dhalo Khamri ah ayaad Igland kala timid iyadoo aan dalkayaga laga ogelyn!!” Ninkii Ingiriiska ahaa intuu qoslay buu ku yidhi iska tag. Haddaba maanta iyo sheekadana maxay iska shabahaan. Ma Caydiid Gar Leh, Cali Mahdi Gar leh baynu ku jirnaa! Muxuuse sharcigu dhigayaa? Maalin walba ma sharcigaa lagu murmayaa?
Waxa qoray Jamaal Cali Xuseen
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles