Hargeisa
broken clouds
21.7 ° C
21.7 °
21.7 °
63 %
9.2kmh
61 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
HARGEYSAAWI | City PagesWaxbadan Ka Ogow Barnaamijka Guulaysta ee Shaqo-Qaran.

Waxbadan Ka Ogow Barnaamijka Guulaysta ee Shaqo-Qaran.

Somaliland nidaamkeeda siyaasadeed, gaar ahaan, nidaamka shaqaalaysiinta shaqaaluhu waxa uu ku dhisnaa in muwaadinku hawl-wadeen dawladeed ku noqdo laba mid uun: waa midda kowaade, in uu caaqilkooda ka dhigto wasto ama weji si’ uu shaqaalenimada dawladda ugu fududeeyo, si’ taasi u timaadana waa in caaqilku la baryootamo masuuliyiin badana la xidhiidho sidii muwaadinkan loo shaqaalaysiin lahaa iyada oo la tixgalinaayo codsiga caaqilka. Laba, waa in muwaadinku uu siyaasiga reerkooda ama masuulka xilka haya hab qabiil ahaana ugu doonto shaqaalenimo dawladeed. Taasina waxay keenaysaa in muwaadinku kale kulmo caqabado kale geddisan oo waayaheeda leh, khaasatan aqoonyahanka faraha badan ee ka soo qalinjebiya jaamacadaha sanad walba waxay ku noqonaysaa niyad jab iyo mustaqbalkooda oo ay quus ka istaagaan. Waana sababta aqoonyahankii wadanka u soo kacaayey ay hididiiladoodii u yaraato, maanshiilnimadoodiina curyaanto oo loo waayey aqoonyahan bulshada wax ku soo kordhiya markii uu waayey cid aqoon, hanti ama awood dawladeed leh oo gacan qabata. In kastoo saddexdii sano ee ugu danbaysay shaqaale dawladeed oo koobani ay imtixaano ku soo baxeen si ay ugu biraan laamaha dawladda. Taasina ay yididiilo fiican u noqotay aqoonyahanka. Imtixaanadaas oo ka madhan eex iyo danaha aan kor ku soo sheegay.
Hadaba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu 03, May 2018, daah furay barnaamijka SHAQO-QARAN, oo dhallinyarada aqoonyahanka ah fursad u siinaya in ay ku biiraan laamaha dawladda iyaga oo lagu soo xulanaayo aqoontooda, kana madhantay eex iyo qabiil. La gana qaadayo imtixaan caddaalad ah oo sida loo kale sarreeyo ay ku xidhantahay.
Si kasta ha ahaatee, waa maxay macnaha Shaqo-Qaran?. Shaqo-Qaran waa tobabar u sahlaaya dhallinyaradu in ay ka qayb qaataan shaqada dawladda ee loo haayo shacabka muddo sanad ah. Waxaana la diiwaangelinayaa ardayda ka qalinjebisay jaamacadaha. Muddada tobabarkani socdaana waa saddex bilood sida caadiga ah. Tobabarka ka dibna dhallinyaradan waxay gelayaan 9 bilood Shaqo-Qaran ah. Wixii intaas ka danbeeyana waxay noqonayaan shaqaale dawladeed iyo masuuliyiin rasmi ah.
Sidaa daraadeed Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaatay go’aan geesinimo leh oo dhallinyarada aqoonyahanka ah fursad loo siinayo in la baro carbis saddex bilood ah, lana geliyo inteershib shaqo-qaran ah, aakhirkana ay ka mid noqdaan shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiin si ay kartidooda iyo aqoontooda ay ugu adeegaan qarankooda, kana kaaftoomaan cid gaara ay shaqo ka hoorsadaan, haddii ay ka heli waayaana niyad jab kale kulmaan.  Hindisahan Shaqo-Qaran waxa uu ku abaaranyahay jihaynta dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Somaliland ee waxbaratay dhinacyada Shaqo abuurka, kobcinta garaadka iyo wacyiga, dhisidda kalsoonida, is-dhexgalka dhallinta, dal-jacaylka, horumarinta iskaashiga iyo difaaca Qaranka markii loo baahdo.
Ugu danbayn, Barnaamijkan Carbinta Barbaarta aqoonyahanku waxa uu soo kordhiyey is-dhexgalka dhallinyaro ka kale timid degaano aad u kale durugsan iyada oo ay ka midaysan yihiin aqoon iyo in ay wadankooda iyo mustaqbalkooda dhistaan.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeysa, Somaliland.
Freelance Graphic designer/Video editor.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles