Urur magacasiisa la yiraahdo Ururka Shacabka Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Ururkaas cusub oo ay ka dhex muuqdaan rag iyo dumar siyaasadda Somaliland muddo ku dhex jiray, aqoonyahanno & qaar kaloo ka mid ah haldoorka bulshada. Ururkan waxa uu noqonayaa ururkii ugu horeeyey ee lagaga dhawaaqo saaxadda siyaasadda tan iyo intii lagu dhawaaqay diiwaan gelinta ururada.