Hargeisa
overcast clouds
29.5 ° C
29.5 °
29.5 °
40 %
4.5kmh
96 %
Wed
29 °
Thu
30 °
Fri
31 °
Sat
30 °
Sun
32 °
spot_img
Wednesday, May 8, 2024

Sucaad Camriye: Sababta aan u doonayo in Somaliland magaca laga badelo

Guuxa DadweynahaSucaad Camriye: Sababta aan u doonayo in Somaliland magaca laga badelo

~ Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye), waa haweenay ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sheegtay inay soo jeedinayso in Somaliland laga baddelo magaca si ay u fududaato inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo ay madaxbanaani u hesho. ~

Hadalka Sucaad ayaa imaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socotay dood ku saabasan ictiraafka Somaliland ka dib markii Baarlamaanka UK uu yeeshay dood ku saabsan Ictiraafka Jamhuuriyadda Iskeed Madax Baaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Xildhibaanka doodda horkeenay baarlamaanka UK ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ku mudan tahay Somaliland in la ictiraafo.

Sucaada waa siyaasi sanadkii la soo dhaafay ka qeybgashay doorashadii Golaha Wakiilada. Waxay ka mid ahayd musharrixiintii u tartantay Gobolka Saaxil ee xisbiga WADANI, balse way ku guul dareysatay.

“Ayaan darrada waxa ay ka timid in 30 sano ka dib weli aanan weli Somaliland aysan noqon dal madaxbanaan marka sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa oo marwalbana ka hadlaa in Somaliland magaca laga baddelo oo magaca kale loo bixiyo sababtoo ah marka aad qofka Somaliland tirahdid maanta dhan waxaad ku jireysaa sharrax ah Soomaaliya iyo Somaliland adiga oo aan waqtiba hayn.”

“Somaliland waxay xornimada ka qaadatay Ingiriiska, markaas ayay Soomaaliya ku darsatay hadana waa ay kala go’een, waxaas oo sharrxaad oo dhan ayaa hari lahaa Somaliland haday magaca kale leedahay,” ayay tiri Sucaad

Sucaad oo hadlakeed sii wadata ayaa tiri: “Cidna kuma tirahdeen Soomaaligaas baan garanayaaye adna Soomaaligee tahay? Waxaa fiican in soo jeedintaa si fiican looga fakaro oo magaca laga baddelo Somaliland, wax kale haloo bixiyo sababtoo ah inta magaceena Soomaaligaas ku jiro dadka jahwareer ayay ku jiraan.”

“Markaad eegto macanaha magaca Somaliland oo Carabi loo baddelo waxa uu noqonayaa ‘Ardul Soomaal’ oo macnaheedu yahay meel walbo oo Soomaali ku nooshahay marka waa fakar aan anigu qabo oo aan weligayna qabay waxaan markale leeyahay magaca halaga baddelo si aanay jilka dambe 30 sano ka bacdi hadana loo weydiin Soomaaligee tahay”? Dadka qaar baa ku oran karo Suudaan iyo Koonfurta Suudaan baa jirta hadana si kasta oo ay jirto Soomaaliland waxaa u fiicaan in magaca kale ay yeelato.

Sucaad ayaa soo jeedisay in magaca Somaliland lagu baddelo “Republic of East Africa” Jamhuriyada Bariga Afrika.

Qoraalka Codka, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa war kasoo saaray arrinta aqoonsiga.

Siduu ku yimi magaca Somaliland

Cali Gureey, oo ah siyaasi rug caddaa oo horay uga mid ahaa saraakiishii sarsare ee ururkii SNM ayaa arrintan ka hadlay iyo sida loogu bixiyay magaca Somaliland.

Gurrey ayaa ka warramay xasuustiisa sida uu ku yimid magaca Somaliland 30 sano ka hor.

“Dhawr magac ayaa la soo qaaday. Waxa ka mid ahaa Puntland iyo Golis. Ninkii ugu doodda adkaa ee isagu ku dhegay magacan Somaliland wuxu ahaa Axmed Silanyo oo ku daafacayay in uu yahay magac jiray oo la yaqaanay, xuduudihiisa la yaqaanay lana aqoonsanaa, isla markaana madaxbanaanidii aynu ku qaadanay.”

Cali Gurrey

XIGASHADA SAWIRKA, CALI GURREY

Qoraalka sawirka, Cali Gurrey

Wuxuu soo jeediyay in magaca badelkiisa ay ku habboon tahay in laga dooda haddii ay Somaliland ay xornimo hesho

“Kolay hadda anigu ilaa Somaliland ay aqoonsi helayso doodii Axmed Silanyo oo aan macquul u arkay ayaa igu qufulan oo ma taageersani in la bedelo magaca Somaliland. Hase yeeshee marka Somaliland ay aqoonsi hesho waa laga doodi karaa oo ma diidani,” ayuu yiri Gurey.

BBC

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles