Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gaba gabaysay heshiis layskugu furayo khadadka telefoonada labada shirkadood ee ugu waa wayn dhinaca telefoonada iyo isgaadhsiinta, ee Telesom iyo Somtel.
Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qof haysta Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom na uu awoodi doono in uu waco qofka haysta Kaadhaka Somtel.