(Isniin, 17-01-2022)-Doorshada Madaxtinimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku astaysan 13-Noofeembar, 2022. Doorashadan madaxtinimada iyo Furista Ururada ayaa Muran badan ka dhaliyey Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda.
shalay uun bay hayd markii Maxkamadda Sare ee Somaliland ay soo saartay ka garnaqii qaarka mid ah xildhibaanadu u gudbiyeen. Maxkamaddu waxay ka gaabsatay in ay taageerto xukuumadda, Xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaanadii daba ka riixayey Furista ururada. Cayimidda wakhtiga doorasho la qabanayo waxa iska leh komishinka doorashooyinka ( Xeer 91/2020).
Maxkamaddu waxay dib ugu soo celisay Golaha Baarlamaanka furista Ururada, iyada oo maxkamaddu cuskatay Xeer NO.14/2011, kaas oo baarlamaankii hore ansixiyey in tobankii sanaba hal mar la furto ururo ay ka soo dhexbaxaaan Saddexda Xisbi Qaran ee siyaasadda dalka hagi doona tobamka sano ee soo socda. Maxkamaddu waxay sheegtay in Guddida Doorashooyinku qabanayaan doorashada lagu kale saarayo ururada. Sidoo kale, waraaqda ka soo baxday maxkamadda waxaa ku qornaa in doorashada madaxtinimadu ay wakhtigeeda ku qabsoomayso.