Intii Maayar Cabdikariim Axmed Mooge qabsaday maayarnimada Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaa socda dhaqdhaqaaqyo lagu horumarinaayo Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa.
Dawladdan hoose ayaa la soo dooray 31-kii May 2021. Waxaanay beddelen dhiggoodii ka horreeyey oo iyana qabsaday 2011.
Maayar Mooge wax uu la kawsady caasimad waddooyinkeedu burbursanyihiin iyo dadweynaha oo aad uga cabanaaya adeeg xumada ay kale kulmaan dawladda hoose.
Masuuliyiinta Dawladda Hoose waxa ay dhagax dhigeen waddooyin badan iyo xarumaha Dawladaha Doose ku yeelan doonaan degmooyinka qaar. Bishii Noovembar waxa ay dawladda hoose dhagax dhigtay xrunta Dawladda Hoose ee Koodbuur, Maantana waxaa la dhagax dhigi doona xarun ballaadhan oo si heer sarre ah loo casriyeeyey oo loo dhisi doono Degmada Maxamuud Haybe.
Nashqadda Xarunta Dawladda Hoose ku yeelan doonto Degmada Maxamuud Haybe ayaa lagu baahiyey Baraha bulshada gaar ahaan, page-ka dawladda hoose.
ugu danabayntii, waxaa socda mashaariic horumarineed oo magaalada lagu wado oo ay fulinayso dawladda hoose. Dawladda hoose waxay wadda bannaynta wadooyin badan, dhismaha waddada afarta haad ah ee hor marta madaxtooyada, dhismaha waddo casriya oo dhinac marta maxkamadda iyo wadada Siiney. Sidoo kale, waxaa iyana la dhagax dhigay biriijyo casriya iyo buundooyin Baanka aduunku Maalgelinaayo oo dawladda hoose fulinayso.