Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa bilowday inay qabqabato xoolaha dhex meereysanaya magaalada Hargeysa si loo ilaaliyo bilicsamida caasimadda. Waxayna ku wareejineysaa xoolahaas laga soo qabqabtay magaalada ciidinka ilaalada nabadgelyada degaanka Jamhuuriyadda Somaliland(booliska).