Hargeisa
broken clouds
21.7 ° C
21.7 °
21.7 °
63 %
9.2kmh
61 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
OpinionDawladnimadu Maaha Dirac la Kale Dillaalo. W/Q: Ahmed Harir Adam

Dawladnimadu Maaha Dirac la Kale Dillaalo. W/Q: Ahmed Harir Adam

Ugu horayn, Dawladnimadu waa tiir ku qaali ah ah bulsho wayn kasta oo aasaastay dawladnimo ay ku gaadhaan guulo iyo horumar la taaban karo, la.aanteedna aan la awoodin gaadhisteeda tab iyo xeelad kasta oo la adeegsado.

Dawladnimo waxay u baahan tahay Hogaan ay daacad ka tahay hogaamintu jecel horumarka bulshada kana fogaada wax kasta oo hagar daamo ku ah bulshada uu madaxda u yahay, aan jeclayn xilka se jecel gaadhsiinta bulshada heer la majeerto.

Dawladnimo waxay u baahan tahay bulsho fahamsan dawladnimada adeecaysa hogaankooda kalana shaqaynaysa horumarka iyo gaadhida himilooyinka bulshadani leedahay.

Dawladnimo dhaba waxa lagu gaadhaa wada shaqayn, laab xaadhnaan, isla xisaabtan, calool furnaan, isu tanaasul iyo is gacan qabsi, se laguma qaadho aflagaado, nin jeclaysi, qabyaalad iyo ka faro qabsi toona.

Soomaliland ahaan dawladnimada waxa aynu ka dhiganay boos kolba reer uu ku dilaal tago inta uu xilka hayana kaga faa,idaysto danahiisa iyo danaha reerkiisa sida; siinta ehelkiisa iyo qanacsatada isku reerka yihiin Mashaariic aan umada kale la siin oo ay u tahay naas nuujin iyo ka faa,idaysasho mudada xil haynta. Waxaana gaadhey heer qabiiladu ku heshiiyaan in dawladnimada qori isu dhiib ugu heshiiyan si ay iyaguna markooda hasha u maalaan, oo ay uga faa,idaystaan mudadaas ay maamulka hayaan.

Inta aynu dawladnimada dano gaara ka leenahay, ma awoodno in horumar ka samayno ku kasta oo yimaadana kuma fikirayo horumarinta bulshada iyo dadka uu masuulka ka yahay ee dhiban balse tiisa ayaa cuslaysay ok wuxu ku dedaala intaanu ka tagin sidii uu uga faro qabsan lahaaa. Shakhsiga mudakarka ah ee ka fogaata xoolaha ummada, madax dhaqameedkiisa ayaa ku dhaliila waanu ku saarnee maxaad ka qabsatay meesha intaad joogtay.

* ilayn waa duni aakhiru sabaan

* Dadku ay isu muuqdaan

* Oo dadka kii u dhawaa ku eegaayo dhurwaaga.

* Waa duni kii wax taraayey uu ku duloobey agtooda.

* Waa dunni kii wax liqaayey dadka uu u horeeyo.

* Duni weeye dadkeeda qalbigeedu daboolmay.

* Duni weeye dadkeedu ay dugaaga wax dhaamin.

* Duni weeye waanagu gebigeed ka dhamaadey.

Hadaba waxa inala gudboon waqti kale oo aan dawladnimo ku dhisanaa somaali ahaan inooma hadhin cid inoo dhisaysaana ma jirto ee waxa la jooga waqtigii dawladnimo saxa oo dadku daacad ka yahay la asaasi laha oo bulshadu markale ku diirsato kuna gaadho horumarkii ay dib uga dhacday muddadi ay dhibaatada iyo qaxa ku jirtay.

Ugu dambayn, Alle waxaynu waydiisanynaa in uu masuul nooga dhigo dadka kooda ay daacad ka tahay dawladnimadu oo umada gaadhsiiya halkay u ooman tahay oo ah horumar.

Alla Mahad leh

W/Q: Ahmed Harir Adam

Hargeisa Somaliland

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles