Axad, (Hargeysa, 19-12-2021)-Dawladda Hoose ee Magaalada Hargaysa ayaa mamnuucday in caasimadda dhexdeeda lagu dhaqdo xoolo. Xoolaha ay kamidyihiin geela, adhiga, iyo lo’da ayaa laga mamnuucay in ay joogaan ama lagu arko caasimadda dhexdeeda.
Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Casimadda ayaa soo jeediey qorshayaal lagu qurxinaato Muuqaalka Guud Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Masuuliyinta ayaa sheegay in dawladda hoose ay dhirayn ku samayn doonto awddooyinkacaasimadda, si taasi u suurawdana xoolaha cunaaya geedahaa waa in laga saaraa.
inta badan dawladda hoose waxay isku daydaa in ay dhirayn ku samayso waddooyinka halbawlaha magaalada laakiin inbadan way ku fashilantay oo may suuroobin. mar awy xoolaha joogaa cunaan iyo mar ay biyo la’aan darteed la qalalaan ba.