Dadweynaha ku nool xaafada Daami ee degmada Gacan libaax ee magaaladda Hargeysa ayaa isu soo bax balaadhan ku muujiyay taageeradooda Doodii baarlamaanka Ingiriiska ee Qadiyada Madax banaanida Somaliland.
Sidii Gavin Williamson uu qaddiyadda aqoonsiga Somaliland uu u horkeenay Baarlamaanka UK in ay ka doodaan, dhammaan shacabka Somaliland dhinacooda waxay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan dalkooda.
waxay baraha bulshada ku baahiyeen faalooyin ay ku taageerayaan qarankooda. Dalalka Maraykanka, UK, iyo wadamada kale ee reer Yurubna waxay ka sameeyen taageero ay u hayaan dalkooda, baarlamaanka Uk-na waxay ku bogaadiyeen sida fiian ay dooda uga yeesheen Somaliland iyo Ictiraafkeed.
bannaan Baxan Maanta ay sameeyeen dadweynaha Daami, waxay taageero buuxda u muujiyeen dalkooda iyo qaranimadiisa.
Bannaan Baxan waxa dadweynaha Daami kale soo qaybgalay Maayarka Dawladda Hoose Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xildhibaanka Laga soo doorto Xaafadda Daami, Barkhad Jaamac Batuun.