Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Guuxa DadweynahaBristol oo Sameysay Xaflada Taageerida Dhaqdhaqaaqii ka Bilowday Barlamaanka Ingiriiska ee ahaa in La Aqoonsado Somaliland

Bristol oo Sameysay Xaflada Taageerida Dhaqdhaqaaqii ka Bilowday Barlamaanka Ingiriiska ee ahaa in La Aqoonsado Somaliland

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee degan dalka Ingiriiska kana koobnaa aqoonyahan iyo waxgaradka Magaalada Bristol ayaa waxay isku yimaadeen xaflada kooban oo ay ku taageerayeen isku soo bixii Shacbiga reer somaliland ee Magaalooyinka Hargaysa, Boorma,Berbera,Burco,Laascanod iyo Ceerigaabo & dhaqdhaqaaqii wanaagsanaa ee ka bilowday baarlamaanka Ingiriiska.

Waxa xafladaa ka hadlay xubno kala duwan oo matalaayey jaaliyada Magaalada bristol waxan ay xubnahaasi baraarujin iyo taageeraba ay sheegeen in ay maalin iyo habeen ku dadaali doonaan in ay aan marnaba laga nasan ictiraaf raadinka Soomaliland, waxa ay xafladaasi ku soo dhamaatay jawi fiican & ididiilo cusub oo ku soo kordhay aqoonsiga Somaliland.

Waxaa wax lagu farxo ah in indhaha caalamka oo dhani arkaan xubno muhiim oo weliba ay qaar ka mid ahi yihiin xubno ka tirsan xisbiga talada haya, iyagoo ku doodaya in la gaarey waqtigii Dowladda ingiriisku aqoonsan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxaa dhawaan u ambabixi doona dalkaas Mareykanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudden Muse Bixi Cabdi taasoo ah mid muhiim gaar ah u leh Somaliland & geeska Afrikaba. Waxaa sidoo kale xusid mudan in xubno ka tirsan Kongareyska Markeynka oo gaaraya ilaa 15 qof ay soo garen Somaliland bishii la soo dhaafay.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles