Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy ahmed cali ayaa safar ku tagay Imaaraadka, carabta, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay boqorka dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.
Maaha markii ugu horeysay ee Raisal Wasaaraha Ethiopia uu booqasho ku tago dalka Imaaraadka Carabta ee waxaa jira safaro kale oo ka horeeyay safarkan. Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa lagu tiriyaa inay tahay saaxiibada ugu dhow dunida carabta ee ee Aby Axmad uu leeyahay.
Safarkan oo ku soo beegmaya xilli uu gunaanad ku dhaw yahay dagaalkii ka socday Waqooyiga dalka Ethiopia ee ay xukuumadda wadankaasi kula jirtay TPLF ayaa qoraal kooban oo lagu baahiyay degalada baraha bulshadda ee Xafiiska Raysal wasaaraha waxa lagu sheegay in labada dhinac ay kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya imaaraadka carabta iyo Ethiopia.
Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa inuu la saftay dowaladda uu hogaaminayo Aby Ahmed oo dagaal kula jirtay maamulka Tigreega waana tan keentay in safarkani ay dadku qaar ku tilmaamaan mid mahad-celin ah. Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidoo kale uu Aby Ahmed uu xafiiskiisa kula kulmay madaxweynaha Somaliland, Muse Bixi Abdi.