Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedYaa Lagula Xisaabtamayaa Ku Xad Gudubka Hannaankii Dimiquuraadiyadeed ee Dalka?

Yaa Lagula Xisaabtamayaa Ku Xad Gudubka Hannaankii Dimiquuraadiyadeed ee Dalka?

Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu qaatay nidaam siyaasadeed oo loo yaqaano habka dimuqaradiyada iyo xisbiyada badan sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 9aad.
Ujeedadii loo sameeyay nidaamka dimuqaradiyadeed ee xisbiyada badan waxa ay ku qeexan tahay iyaduna qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo xeerka ururada iyo axsaabta Xeer lr-14/2021 .
Dhamaan waxii ay xeerarka iyo dastuurka dalku dhigey axsaabta hadda jirtaa way ka talaabsadeen waxaana ay ku dhaqmaan xeer hoosaadyo midwaliba lagu jaangooyey horjoogayaasha xisbiga rabitaankooga , kaasi oo gef ku ah xeerarka dalka iyo Ujeedadii laga lahaa xisbiyada.
Shuruucda dalka waxa ugu sareeya dastuurka jamhuuriyada Somaliland, waxa ku xiga xeerarka ka farcama waxii ku sii xiga waxii ka aasaasma xeerarka oo ay ka mid yihiin xeer hoosaadka ay xusbiyadu u adeegsadaan in lagu maamulo xisbiyada oo ka hor imanaya dastuurka iyo xeerarka.
Marka labaad axsaabta siyaasadu waa hay’ado iyo hanti qaranku leeyahay sida loo maamulaa waxa ay wax tareysaa ama wax yeelaysaa qaranka, waxaana aynu ognahay in aan gudahooga ka jirin dimuqaradiyad , doodo , tartano xor ah iyo talowadaag oo intaba ay xeerarku dhigayaan.
Haddaba yaa lagula xisaabtamayaa sida qaldan ee qaloocan ee laga yeelay axsaabtii siyaasada ee qaranku lahaa ? Yaa qaadanaya masuuliyad darada ka soo if baxday nidaamka dimuqaradiyadeed ee labaatan jirsaday oo la rabay in la helo xusbiyo afkaar iyo mabaadii ku aasaasan oo bulshada hor kaca ?
Su’aalahani jawaabtoodu waa qaar la iska rabo sidoo kale xaalkoogu waxa ay u yaalaan qofwaliba oo in uun rajo ka qaba qaranka Jamhuuriyada iyo habaankiisa xisbiyada badan .
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles