Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
OpinionXidiidhka ka Dhexeeya Wadnaha iyo Jacaylka.

Xidiidhka ka Dhexeeya Wadnaha iyo Jacaylka.

Jacaylka qoyskiina (waalid & walaal) iyo jacaylka lamaanahaagu (xaaskaaga/saygaaga) waxay kala dagan yihiin afarta qol ee wadnahaagu ka kooban yahay, qolalkaasina waxay leeyihiin gidaar kala xadeeya oo u dhaxeeya iyo albaabo kala duwan oo markii loo baahanyahay la furo.
Si wadnahaagu ushaqeeyo oo aad u noolaato waa in afartaas qol ay sifiican u wada shaqeeyaan, kamana maarmi kartid mid kamid ah qolalkaas.
Sidaas si lamid ah jacaylka qoyskiina iyo ka lamaanahaaga midna kama maarmi kartid oo waa shidaalkii noloshaada waday.
Sida wadnahaagas ay dagan yihiin oo kale iyaguna waxay u baahan yihiin gidaar kala xadeeya jacaylkooda iyo albaabo la furo marka loo baahdo oo jacaylku ka gudbo, sida dhiiguba wadnahaaga ugu kala gudbayo.
Labada dhinac ee wadnahaagu (midig & bidix) dhiiga soo galaa wuu kala duwan yahay, mid waa dhiig oxygen-ta wada, ka kalana waa dhiig bilaa oxygen ah oo kaarboon (CO2) wada.
Labadaas dhiig inay isku darsamaan looguma talo galin, mid kastaana shaqaduu hayaa waxay muhiim u tahay caafimadka jidhkaaga iyo noloshaada.
Hadii ay isku darsamaana macnaheedu waa in wadnahaagu xanuusanayo, oo halis u ah caafimaadkaaga guud iyo noloshaadaba.
Sidaas si lamid ah iyagana jacaylkoodu wuu kala duwan yahay mid kastaana shaqo muhiim ah ayuu noloshaada u hayaa.
Jacaylkooda inaad isku dhex walaaqdo oo ay isku milmaana looguma talo galin, mid waliba wuxuu wadaa dhadhan gaar ah oo aad u baahantay macaankiisa.
Hadaba hadii aad labadaas jacayl ee kala duwan iyo labadaas xidhiidh ee kala gaarka ah, aad isku darto iyada oo aan la taagnayn meeshii ay iskaga darsamayeen, waxay sidaana kula kala wareegayeen, noloshaadu buuq iyo wareer ayay galaysaa oo sida wadnahu u xanuusanayo ayaad adna u xanuusanaysaa.
Buuqa iyo muranka haday dhaaftana waxay u gudbaysaa heer gurigaagu burburo oo la kala tago, sida wadnahuba hadii xanuunka laga dawayn waayo uu marka danbe shaqadiisii u joojinayo oo uu istaagayo.
Hadaba adiga ayaa lagaa rabaa inaad barato qaabka aad ula dhaqmayso iyo sidaad u kala xadaynayso xidhiidhadaas, iyo waliba sidii aad iskugu wadi lahayd, islamarkaana u dawayn lahayd intaanay gaadhin dhamaadka xidhiidhkiina.
Dr. Ahmed hassan
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles