Guddoomiya Xisbiga Waddani oo saaka lagu soo dhoweeyey Magaalada burco ayaa khudbad u jeediyey jamaahiirta reer burco ee soo dhoweyey. guddoomiyaha waxaa socdaalkan ku wehelinaayey musharrax madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro iyo xubno kale oo ka tirsan xibiga waddani.
guddoomiye Xirsi oo khudbad ka jeediyey goobta lagu soo dhoweeyey waxaa hadaladiisii ka mid ahaa, ” Waxaan leeyahay Muuse dhuumasho dhabarku muuqdaa dhuumasho maaha , wixii sharci darro ah diida , xukuumadda fadhiidka ah diida , fartiina dib haw eedina “.




