Hargeisa
clear sky
23.5 ° C
23.5 °
23.5 °
32 %
7kmh
3 %
Sat
21 °
Sun
27 °
Mon
26 °
Tue
27 °
Wed
27 °
spot_img
Saturday, February 14, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Uncategorized"Waxaad Shacbiga Tustay in aad Weli Joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE", Musharrax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

“Waxaad Shacbiga Tustay in aad Weli Joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE”, Musharrax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweynaha Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shiararkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.
Shacabku waxa ay kaa filayeen inaad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.
Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas’e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baalmarsaneyd sharciyadda dalka.
________________________________________
Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.
Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles