Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Uncategorized“Waxaa lagu Tartami Doonaa Jagooyinka Xisbiga Ucid”, Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Ucid.

“Waxaa lagu Tartami Doonaa Jagooyinka Xisbiga Ucid”, Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Ucid.

Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Ucid oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa waxay sheegeen in 29 iyo 30-ka Novembar uu  qabsoomi doono Shirweynaha Xisbiga Ucid. Waxaanay intas sii raciyeen oo ay sheegeen in hogaanka Xisbiga lagu tartami doono marka shirweynaha la gaadho. Gudidan oo ka koban 17 qof.

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Abshir Axmed Xassan, Xoghayaha Diinta iyo Awqaafta Sheikh Ibraahim Cabdi Xuseen, iyo Afhayeenka Xisbiga Maxamed Cali Bilaal, ayaa kulankan ka hadlay.

“Waxaan iclaaminay in shirweeynaha xisbiga la qaban doono 29 iyo 30 bishan aan ku jirno”, Gudoomiyaha Gudida qaban qaabada Abshir Axmed Xassan.

Waxa uu sii raaciyey in shirkaas lagu qaban doono magaalada hargeysa.

Isaga oo guddoomiyhu hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxaanu qaybinaynaa ergooyinka iyo kormeerayaasha xisbiga”.

“Waxaa lagu tartami doonaa dhammaan jagooyinka Xisbiga, Xisbiguna waa dimiquraadi”, , Xoghayaha Diinta iyo Awqaafta Sheikh Ibraahim Cabdi Xuseen

Ugu  danbayntii Ucid waxaa guddoomiye iyo musharraxba ka ahaa 20-kii sano ee ugu danbeeyey Mudane Faysal Cali Waraabe. Xisbiga Ucid oo doorashadii madaxtinimada sanadkii 2017 noqday xisbiga keliya ee keenay cod u dhigma 4% ayaa maanta higsanaaya inuu noqdo hormuudka xisbiyada Somaliland, waa sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Abshir Axmed Xassan.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles