Hargeisa
scattered clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
67 %
1.3kmh
29 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
24 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Uncategorized"Waxaa La Gaadhay Xilligii La Furi Lahaa Ururada", Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

“Waxaa La Gaadhay Xilligii La Furi Lahaa Ururada”, Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Nidaamka Xisbiyadeena, waa lagu soo meel maray – mase u muuqdaan kuwo u guuraya jihadii loogu talo galay ee ahayd in ay Bulshada u raraan nidaam Xisbiyeed aan ku salaysnayn qabiil & Siyaasiyiiin ku Meeraysta Xisbiyadda dhexdooda.
Dan weyn baa Somaliland iyo bulshadaba ugu jirta in la yagleelo ururo cusub iyadoo la nidaaminayo, lana dejinayo shuruuc heer sarre ah oo dhiiri galinaysa ururo ku salaysan mabaa’dii & afkaar horumarineed oo ay Xisbiyadu ku kala duwan yihiin.
Si la mid ah doorashooyinkii dalka ka dhacay ee meesha ka saaray gollayaashii muddo dhaafay, ansixinta Xeer 14 u gogal xaadhaya furista ururo cusub waxa ay taariikh u noqon doontaa Golayaasha sharci dejinta ee hadda & Madaxweyne Muse Biihi Abdi iyadoo horseedi doonta 10 sanno oo kale iyo jawi siyaasadeed xisbiyo cusub ay jilayaan/hoggaaminayaan.
Waxa la gaadhay xiligii la adkayn lahaa nidaamka ururada & xisbiyadda ee dalka ee la kor joogtayn lahaa shuruucda ay isku maamulaan ururadu/xisbiyadu dhexdooda si ay dimuquraadi u noqdaan isla markaan hadafkii dalku ka lahaa ay uga midho dhaliyaan.
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Cabdirashiid.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles