Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedTaariikhda Magaaladda Goday Gacalo.

Taariikhda Magaaladda Goday Gacalo.

Tani waa magaalada Godey, oo lagu naanayso Godey-gacalo, caasimadda gobalka Shabeelle, Degaanka Soomaalida. Waxa ay koonfurgalbeed ka ga beegan tahay magaalada Qabridaharre ee caasimaadda gobolka Qorraxay. Shabeelle waa gobol ka mid ah gobollada uu maro webiga Shabeelle, ee aada koonfurta Soomaalida.
Godey, waa magaalo 60 jir ah. Waa na mid ka mid ah magaalooyinka da’da yar hadda na baaxadda wayn ee Soomaalidu lee dahay. Waa magaalo magaalaynteeda iyo degisteedu kala horraysay, waxa na horraysay magaalaynteeda (u samaynta qaab magaalo oo la degi karo). Xayle Silaase ayaa degitaankeeda sabab u ahaa sida la weriyo. Badi xarumaha adeegbixinta ee dawleddu dhistay na waxa la dhisay xilligiisii.
Dhanka kale Godey, waa magaaloganacsiyeed ay u furan yihiin waddooyin badan oo alaabaha ganacsigu ka soo galaan. Sida Hargaysa, Burco, Bosooso, Gaalkacayo, Muqdisho iyo Doollocaddo. Waxa ay isku xidhaa ganacsiga u socda galbeedka iyo badhtanka Degaanka Soomaalida iyo kuwa u socda magaalooyinka kale ee Soomaalida ee ka baxsan Degaanka. Maaddaama oo khayraad badan laga soo dhoofiyo Godey.
Godey waa mid ka mid ah lixda ismaamulmagaalo ee Degaanka ka jira; Jigjiga, Godey, Dhagaxnuur, Qabridaharre, Wajaale iyo Qabribayax. Godey waxa ay lee dahay dhulbeereed baaxad wayn. Taas oo ay kala siman tahay gobolka ay caasimadda u tahay ee Shabeelle, oo badidiisu ah dhulbeereed qani ah. Xoolaha nool, ayaa u weheliya beeralaynimada. Waa na suuq xoolaad isku xidha ganacsatada iyo dadka xoolodhaqatada ah.
Godey waa magaalo dad badani ku nool yihiin. Reero ahaan iyo qawmiyado ahaan ba. Dadku badi waxa ay ku mashquulsan yihiin ganacsiga, tabcashada beeraha iyo xoogsiga magaalada gudaheeda. Waa na mid ka mid ah sababaha Godey u tahay magaalo dadkeedu ka buuq yar yihiin dhanka yooyootanka siyaasadda ee Degaanka ka jira. Runtii na magaalo mustaqbal oo qofka ganacsi iyo tabcasho beereed ba rabaa ka heli karo. Aniga qorsheyaashayda ayaa ay Godey ka mid tahay. Adigana?
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles