Axad, (Hargeysa 19-12-2021) Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laga eryay wariye Nimco Shirdoon oo ka tirsanayd shaqaalaha Tv-ga Qaranka.
Warqada Eriska ee wariye Nimco Shirdoon ayay wasaaradu u gudbisay haayada shaqaalaha dawlada .
Inta badan masuuliyiinta hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaqaalahooda ka caydhiya shaqada ay u hayaan Qaranka marka ay ku tallaabsadaan arrin siyaasadeed, ama ay u kale xagliyaan Xisbiyada Qaranka oo ay taageeraan Xisbiyada mucaaridka.
Wararka ayaa sheegaya in sababta looga eriyey ay tahay kadib markii lagu eedeeyey in ay barteeda gaarka ah ee Facebook ay ku taageertay gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo madaxda xisbiga WADDANI.
ugu danbayntii, waxaa ka mamnuuca shaqaalada dawladda Jamhuuriyadda Somaliland in ay dhaliilaan masuul dawladeed, in ay Qaranka wax sumacaddiisa yeela ku dhaliilaan iyo in ay siyaasadda galaan oo ay xisbiyada Qaranka kale taageeraan una ololeeyaan.