Mdaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cagjar ayaa todobaadkii hore booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa isaga oo la kulmay Madaxweyne Biixi, waxa rasmiga ah ee ay ka wada hadleena lama shaacin oo aan ka ahayn iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, dhaqaalaham iyo isdhexgalka.
Siyaasiyiinta wax falanqeeya ayaa aaminsan in Mustafe Cgjar u yimid Hargeysa sidii Biixi u taageeri lahaa Dawladda Federaalka ee itoobiya dagaalka ka dhan ah TPLF.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo u waramayay Bbc Qaybteeda Afrika la hadasha ayaa beeniyay Wararka sheegaya in ay Somaliland taageero u Muujisay Dawladda Federaalka Ethiopia Dagaalka ay kula jirto TPLF.
Waxa uu xusay in aanay somaliland faro gelinayn arrimaha Gudaha ee dalka Ethiopia oo ah saaxiib ku dheer Somaliland, wakhtigii dawladii Siyaad Barre ay duqaymaha ka geysanaysay Deegaanada Somaliland Marti gelisay maatadii ka qaxday Dalka.