Hargeisa
few clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
80 %
0.8kmh
18 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
20 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
OpinionSomaliland Ma Saaxiibka Maraykankaa?

Somaliland Ma Saaxiibka Maraykankaa?

Iyada oo Senator James Risch uu Golaha Guurtida Maraykanka uu hor keenay wax ka badalka sharciga NDAA, ayaa waxa isla sharcigaas oo ka kooban sadex bog wax ka badal ku sameeyey Senator Jeanne Shaheen oo laga soo doorto gobolka New Hampshire iyo Senator Mit Romney oo laga soo doorto gobolka Utah.
Hadii aad akhrido warqada Golaha Guurtida Maraykanka, ayaa waxa qaybtan oo ay qoreen Senator Jeanne Shaheen iyo Senator Mit Romney ay ku cadeeyeen in wadamada Albania, Australia, Bahrain, Georgia, Germany, Greece, India, Indonesia,Italy,Japan, Kosovo,Kuwait,New Zeland,North Macedonia,Norway, Mexico,Phillipines,Qatar,Rwanda,Saudi Arabia,South Korea, Spain,Sudan Uganda,Ukraine,United Arab, Emirates,United Kingdom iyo Somaliland ay ka jawaabeen ayna u muujiyeen Maraykanka in ay si ku meel gaadh ah u haynayaan kumanaan kun oo Maraykan ah oo dagaalka uu ugu dhacay Afghanistan.
Sidoo kale, ay si ku meel gaadh ah u haynayaan qaxooti badan oo reer Afghanistan ah, reerahooda.
Qaybtan ayaa waxa ku qoran in Maraykanka uu qiimaynayo waxtarka muhiimka ah iyo dadaalka wadamada kor ku xusan ay doonayeen in ay ka qaybqaataan daad guraynta dadka Afghanistan.
Sidoo kale, ” amendmend”kan waxa uu ku tusayaa sida Maraykanka aanay uga soo horjeedin madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Ugu dambayn, qoraalka waxa uu ku soo khatimayaa in Maraykanka uu u mahadcelinayo wadamadan.
Mit Romney, oo qaybtan la qoray Jeanne Shaheen, ayaa ah maalqabeen iyo Senator laga soo doorto gobolka Utah, waxana uu u tartamay xilka madaxweynenimo ee Maraykanka, doorashadii Maraykanka ee 2012.
Ahmed Adan
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles