Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedSiyaasiyiinta La Baxay ‘Somaliland-jire’ Oo Sheegay In Xeerka Furista Ururrada Siyaasaddu Dhaqan-gal Yahay

Siyaasiyiinta La Baxay ‘Somaliland-jire’ Oo Sheegay In Xeerka Furista Ururrada Siyaasaddu Dhaqan-gal Yahay

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiyiinta la baxay ‘Somaliland jire’ oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Shacabka ku war-geliyey inuu ansax yahay Xeerka Furista Ururrada siyaasadda Somaliland, sidaasi darteed loo baahan yahay inay ka war qabaan.

Siyaasiyiintani waxay sheegeen inay Golaha Wakiillada ee cusub uga Mahad-celinayaan in aanay Xeerkaa faro-gelin ku samaynin, taasi oo ka dhigan inuu ansax ku yahay sidii ay ku soo ansixiyeen Golihii Wakiillada ee hore.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Xubnaha ‘Somaliland jire’ oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada ee gartay in Xeer Num. 14 (Xeerka Furista Ururradu) dhaqan-galay ee sidiisii u daayey, waxay u dhaarteen Dadka iyo Dalka, Bulshaduna ha ogaato in Ururradii siyaasaddu furmayaan.”

Xubin kale oo ka mid ah Siyaasiyiinta ‘Somaliland jire’ ayaa isaguna yidhi “Xeer kasta oo aynu dhiganaa waa inuu Dastuurka Waafaqaa, wixii aan Dastuurka waafaqsanayna maaha wax Ummaddu raacayso, markaa Xeerkaa Furista Ururrada ee dhaqan-galay waa xaq ay Bulshadu leedahay.”

Xubintani wuxuu si gaar ah farriin ugu diray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaanu u soo jeediyey in Xeerka Furista Ururrada siyaasaddu uu soo dhaafo Golahooda Wakiillada, maaddaama buu yidhi uu ansax yahay.

 

wargeyska Geeska Afrika.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles