Hargeisa
clear sky
26.6 ° C
26.6 °
26.6 °
18 %
7.4kmh
4 %
Sat
26 °
Sun
27 °
Mon
27 °
Tue
27 °
Wed
28 °
spot_img
Saturday, February 14, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
HARGEYSAAWI | City PagesSidee Loo Abaal Mariyey Ciyaartoygii ka Qaybgalay Ciyaarihii Horyaalada Somaliland.

Sidee Loo Abaal Mariyey Ciyaartoygii ka Qaybgalay Ciyaarihii Horyaalada Somaliland.

Waxaa Magaalada Hargeysa lagu abaal mariyey tartamayaashii iyo ciyaaryahanadii ka qayb qaatay Horyaalkii Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland. kaas oo ay ciyaartii kama danbaysta isugu yimaadeen Goodir, ciidanka booliiska iyo dawladda hoose ee ceerigaabo.

Garsoore Cabdicasiis Cali Dheere Xasan iyo labadiisa caawiye oo kala ah Maxamed iyo Barkhad ayaa loo doortay Garsoorkii ugu Wanaagsanaa intii uu socday Tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland.

Dawladda Hoose ee Boorama ayaa Loo doortay Kooxdii ugu Akhlaaqada Wanaagsanayd Intii Socday Tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland. Abdiwaduud Abdiqani ayaa ku guuleystay abaalmarinta xidigii ugu wanaagsanaa Somaliland 2021.

Tababaraha Kooxda Goodir Hargeisa Macalin Jamaal Jante Ayaa ku Guuleystay Tababarihii Ugu Wanagsanaa Somaliland 2021.

Weeraryahanka kooxda Goodir Hargeisa Abdiwaduud Abdiqani ayaa loo doortay Weerarkii bidix ee ugu wanaagsanaa Somaliland 2021.

Khadar Hazard ayaa loo doortay Weerarkii Midig ee ugu wanaagsanaa Somaliland 2021. Khadar Raas ayaa loo doortay Daafaca Dambe ee ugu Wanaagsan Somaliland 2021. Jibriil oo u ciyaara kooxda Gaashaan Togdheer ayaa loo caleemo saaray inuu dhaliyay goolkii ugu quruxda badnaa Horyaalka Horyaalada Somaliland. Abdifataax Isco ayaa loo doortay Kubad Qurxiyihii ugu Wanaagsanaa Somaliland 2021.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles