(isniin, 10-01-2021)-Waxaa maalinkiisii 10-naad xidhan dekedda Berbera, oo ganacsatadu aanay wax alaaba ka soo qaadan dekedda. taasina waxaa sababay Shirkadda DP World oo is maandhaafay tacrifadda laga qaado ganacsatada. kadib kulan dheer oo ay wada qaateen wasiirka ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo ganacsatadu ayaa laysku afgartay in alaabta dekedda taala la soo raro.




