(Salaasa, 11-01-2022)-shilalka baabuurta ayaa dhowaanahan ku soo batay caasimadda Magaalada Hargaysa. Saddex waddo oo kale ah wadada Berbera qabata, wadada Sallaxlay iyo wadada Gebilay ayaa ah wadooyinka ugu badan ee ay maraan gaadiidka ugu badan ee ka baxa ama soo gelaaya caasimadda Hargeysa.
Waxaa inta badan jira shilal bilkasta ka dhaca waddooyinkan oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyeed.
haddaba Maanta Shil Gaadhi ayaa Ka Dhacay Masalaha Hargeysa. Baabuurka shilkan gaystay ayaa ah baabuurka nooca loo yaqaano tagsiga. Ma jiro khasaare ballaadhan oo ka dhashay shilkan, marka laga reebo laydhkii oo ka go’ay xafiisyo badan iyo guryo door ah.
baabuurkan ayaa jiidhay bir laydh oo ku taalay agagaarka wadada masallaha.
wasaaradda Gaadiidka Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaan weli wax amaro ah ka soo saarin shilalka ka dhaca magaalada Hargaysa iyo gudaheeda marka laga reebo in ay idaacadaha iyo Tv-yada maxaliga ah ka sii dayso in la ganaaxayo qofka gaadiidka ku wada si waafaqsan shuruucda gaadiid wadista.