Hargeisa
clear sky
26 ° C
26 °
26 °
28 %
5.5kmh
2 %
Mon
24 °
Tue
27 °
Wed
27 °
Thu
26 °
Fri
25 °
spot_img
Monday, November 10, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Faallo | EditorialSheekadii Abaalka iyo Shaydaanka.Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen.

Sheekadii Abaalka iyo Shaydaanka.Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen.

Nin weyn oo oday ah oo markaa ka yimi miyi ayaa imanaya meel wacyi uu sheekh ka akhriyaayey. Sheekhii baa markaa isaga oo wacdigii jeedinaya uu ka hadlayaa dhibaatada ay xantu leedahay, haddana mawduucii ku xigay ee uu Sheekhu ka hadlo ayaa noqonaysa “Sheydaanka”. Ninkii odayga ahaa ee miyi ka yimi ayaa markaasi hadal la soo boodaya oo odhanaya; “Sheekhoow waadigii xanta ka hadlayee, maxaad imika u xamanaysaa Sheydaanka!” dadkii dhegeysanaayey ayaa wax qosla iyo wax yaaba noqday!.
Ninkii odayga ahaa ee reer miyiga ahaa ayaa ku noqday reerkiisii. Markii uu habeenkii seexday ayaa uu riyoonayaa. Wuxuu ku riyooday Sheydaankii oo intuu u yimid ku yidhi abaalkii aad ii gashay ee aad Sheekha iga difaacday maanta dartii adduunka ayaan kugu soo wareejinayaa ee waynu duulaynaaye dhabarkayga soo fuul. Haddaba isagoo dhabarkii Sheydaanka fuushan riyada dhexdeedii ayaa ay kaadi qabanaysaa. Sheydaankii baa ku odhanaya waxba ha is dhibine iskaga kaadi dhabarkayga illayn daadagi kari maynoo samadii baynu maraynaaye. Aroornimadii baa odaygii hurdadii laga kiciyey. Islaantiisii baa arkaysa gogoshii oo qoyan. Markaasay ku odhanaysaa; “Ee maxaa ka qoyan gogosha!”! Odaygii baa xasuustay inuu riyooday oo gogoshii ku sii daayey kaadi. Markaasuu isagoo yaabban odhanayaa; “ Iska daa waa sheydaan iyo abaalkiiye!!!!”
Source: Buugga Diiwaanka Qosolka – daabacaadda Labaad (2nd edition)
Jamaal Cali Xuseen
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles