Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Uncategorized"Sanado Badan Waxaynu ahayn, Qaar wax loo soo Dhoofiyo", Cabdkariim Axmed Mooge.

“Sanado Badan Waxaynu ahayn, Qaar wax loo soo Dhoofiyo”, Cabdkariim Axmed Mooge.

Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay bandhiga carwada waxsoosaarka warshadaha dalka. Bandhigan oo ka dhacay Hoolka tiyaatarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhammaan ba maxsuulka ay soo saaraan warshada dadlku.

Warshadaha ka soo qayb galay waxaa kamid ah: warshada Fotune Paint oo soo saarta noocyada rinjiga iyo istembarka, SETAB FOOD PRODUCTION, Hargeisa Food Industry, Daryeel Modern Industry, Ilo Tango,  warshada saxansaxo,  iyo warshadda soo saarta rinjiga ee Siraj industry.

Dhammaantood waxay soo bandhigeen waxsoosaarkooda iyo sida ay waddanka wax ugu soo kordhiyeen. Waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga iyo warshadaha jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cismaan Siciid.

“Waxaa maanta farxad ah in 41 warshadood ay ka soo qayb galaan oo ay ku soo  bandhigaan waxsoosaarkooda”, ayuu yidhi agaasimahe Maxamed Cismaan Siciid.

“Halkaas waxaa inooga muuqanaysa horumar aad u ballaadhan” ayuu sii raaciyey.

Isna dhinaciisa waxaa ka hadlay bandhigga Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed mooge.

“Quwada adduunku waxay ku kale tagaan, Umad waliba inta ay iyadu samaysato, ee markaaas waxa ay iyadu uga baahantay ay ka isticmaasha, waxa kale ay adduunka kale ugu dhoofiso”,ayuu yidhi maayarku isaga oo madasha ka hadlaaya.

Mayarka oo oo hadlkiisa sii wata wax auu yidhi, “Sanado badan waxaynu ahayn, qaar wax loo soo dhoofiyo, laakiin maanta waxaa rajo ah inta halkaas taala ee ka muuqata in Somaliland lagu soo sameeyey”.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles