Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedQorshe uu ku Faano ma jiro, Waxqabad Taariikhda iyo Diwaanka Muuse u Gelayaana ma jiro. Maxamed Sidiiq Dhamme.

Qorshe uu ku Faano ma jiro, Waxqabad Taariikhda iyo Diwaanka Muuse u Gelayaana ma jiro. Maxamed Sidiiq Dhamme.

Farta qolada malabkiyo
Xaaraanta mariyoow
Maalmaa idiin hadhay !
Nasiibsarada KULMIYE ku habsatay waatan sawirka ka muuqata ee macno la’aanta malabka faraha loo daray, Buuni naftiisa ayuu hafray if iyo aakhiroba sidaa in laguu isticmaalo oo garaadkaaga loo yeeshaa waa gunnimo iyo gabood fal, in loo gurmadaa waajib ah, habbenba innamo mashaariic iyo manfac gaar loogu xidhay dufaacanaya ayaa isticmaala oo adeegsada afkiisa aan waxba ka xishoon. maantana isagoo ahaa 2017 UCID waataa raggii KULMIYE u codeeyay farta malabka u dareen, Buuniyoo malab aanad muudsan ha murdin oo ha hafrin naftaada.
KULMIYE masuuliyiintiisa waxa looga fadhiyay in ay soo bandhigaan 4 sano oo buuxsamay waxqabadkeed, waase ku nusqaan in ay qolka shiararka Xisbiga malab faraha ku dhiiqaan. xaalada dalka halka ay marayso qof kastoo damiir lihi wuu garanayaa oo waa ogyahay, tirada kooban ee dawladnimada ku macaashtay waxa ka badan kumannaanka ku macaluulaya miyi iyo magaalo.
Afartaa sano Xisbiga KULMIYE qorshe uu ku faano ma jiro, waxqabad taariikhda iyo diwaanka Muuse u gelayaana ma jiro waxaan ka ahayn shaqo qaran. Caafimaadka, waxbarashada, biyaha, shaqo abuurka iyo baahiyaha aasaasiga ah wax qabad laga sameeyay ma jiro oo hadday hayaan sidii foodlay farta malab kumay dhuuqeen ragga kuraasta u sarreeya fadhiya Xisbiga KULMIYE.
Xoghayaha Arimaha Bulshada xisbiga WADDANI. Maxamed Siddiiq Dhamme
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles