Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedMuuse Biixi Cabdi, ayaa Wax ka Beddelka Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Dib ugu soo Celiyey Golaha Wakiilada.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa Wax ka Beddelka Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Dib ugu soo Celiyey Golaha Wakiilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax ka beddelka xeerka Ururrada iyo axsaabta Siyaasadda dib ugu soo celiyey Golahaasi wakhtigii sharcigu ogolaanayey ee ahayd 21 maalmood oo ka bilaabmaysa maalinta Shirguddoonka Golaha Wakiilladu u gudbiyaan.
Telefishanka Horyaal TV, ayaa helay oo baahiyey warqado la is weydaarsaday oo cadaynaya wakhtiga uu madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada iyo wakhtiga Golihii hore u gudbiyeen xeerka.
Shirguddoonkii hore ee Golaha Wakiillada ayaa Madaxweynaha u gudbiyey Xeerka Ururrada 29.06.2021, halka warqada madaxweynuhu u soo qoray Golaha ay ku taariikhaysan tahay 20.07.2021-kii.
Soo celinta Madaxweynaha oo ku soo beegantay wakhtigii kala guur ahaa ee aanay Golaha Cusub shaqada la wareejin, ayaa wakhtiga ay qabteen golaha cusub ayaa ku taariikhaysan 21. 08. 2021.
Soo celinta Madaxweynuhu soo celiyey Golaha ayaa waxa uu ku sababeeyey in ay jiraan a qodob Distuurka ka horimanaya oo ku jira xeerka.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles