Hargeisa
overcast clouds
23.2 ° C
23.2 °
23.2 °
46 %
5.8kmh
98 %
Thu
23 °
Fri
33 °
Sat
34 °
Sun
35 °
Mon
35 °
spot_img
Thursday, May 19, 2022

Musharrax Madaxweyn Cabdiraxmaan Cirro Muxuu ka yidhi Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland ee ka Taagan Baarlamaanka Ingiriiska.

Wararka CaalamkaMusharrax Madaxweyn Cabdiraxmaan Cirro Muxuu ka yidhi Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland ee ka Taagan Baarlamaanka Ingiriiska.
 Musharax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ka hadlaaya dooda  Barlamaanka Ingiriisku ka keenay aqoonsiga Somaland waxa uu yidhi:
Waxa aan si weyn u bogaadinaya doodda ka dhacaysa caawa Baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan Geedi-socodka Ictiraafka iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale waxa aan ku hambalyeynayaa Xildhibaan Gavin Williamson iyo Mudanayaasha kale ee ku taageeray garwaaqsigooda ku wejahan Qaddiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay dooddaas hor dhigaan xubnaha kale ee Baarlamaanka Ingiriiska.
Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero oo la muujiyo ka go’naanta dedaalka lagu baadi-goobayo Ictiraafka dalkeenna.
Jamhuuriyadda Somaliland, waxyaabaha caalamka ku soo jeediyey waxaa ka mid ah: Nabadda, Dowlad-wanaagga iyo Dimuqraadiyadda oo Doorashooyinku tilmaan u yihiin. Waxa aan Xukummadda u soo jeedinayaa in Doorashada Madaxtooyada oo ah hadda midda taagan wax-kastaana u diyaarsan yihiin in lagu qabto xilligeeda ay dalka waxtar weyn u tahay iyo in ay soo dedijin karto aqoonsiga qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles