Hargeisa
scattered clouds
24.7 ° C
24.7 °
24.7 °
44 %
7.8kmh
25 %
Fri
22 °
Sat
28 °
Sun
30 °
Mon
28 °
Tue
27 °
spot_img
Friday, March 6, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedMuqdisho: Maxakamad Dil Ku Xukuntay Askar AMISOM Ka Tirsan Oo Dad Laayay.

Muqdisho: Maxakamad Dil Ku Xukuntay Askar AMISOM Ka Tirsan Oo Dad Laayay.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5-tii bishan ka bilaabatay Maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Waxaa halkaas lagu dhageysanayay kiis dacwadeed loo haystay shan askeri oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay “in ay dad rayid ah ku dileen” deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose.
Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.
Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.
Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay, oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu xukunka u dhacay.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles