
Musharrax Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo Hadda Khudbad ka Jeedinaaya fagaaraha ay ku soo dhoweeyeen bulsho weynta Burco deggan isaga Xubnaha kale ee Xisbiga WADDANI ayaa waxaa khudbadiisa ka mid ah:
“Xukuumadda madaxweyne Muuse waxay u muuqataa inay ku fashilantay hogaamintii Somaliland , si ay fashilkeeda u qariso waxay bilawday qala-laase siyaasadeed , muran dastuuriya , xukuumadda muuse wakhti ayay leedahay wayna tagaysaa , Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inaynu ka tashano inaynu dalka ka bad-baadino xukuumadda Muuse .
“Wuxuu dhaliyay muran ujeedo kaliyaanu ka leeyahay oo ah muddo kordhin , Muddo kordhinta maya , doorasho haa , maalin lagu dari maayo , Burco wey midawday ee shuusho bax “.
“Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku soo qaaday asxaabtii qaranka , shalay waad ogeydeen oo waxaa xarunta danbi baadhista Somaliland looga yeedhay Xirsi oo ah gudoomiyaha xisbiga Waddani , Muuse wuxuu qaaday Jid lidi ku ah midnimada umada iyo jiritaanka umadda miyaynu ka yeelnaa ? Ka yeeli mayno ” ayuu hadalkiisa sii raaciyey isaga oo ka hadlaaya dhacdadii shalay C. I.D-dugu yeedhay Guddoomiyaha Xisbga Waddani.
Musharrax Cirro isaga oo doorashada soo socota ka hadlaaya waxa uu yidhi, ” Haduu doorashada qaban waayo u aqoonsan mayno madaxweyne “