Maxakamadda Sare ee Somaliland ayaa laashay dacwadii Xubnaha Golaha Deegaanka ee Magaaladda Gabiley ay ku dalbanayeen in hanti dhawraha guud la geliyo Duqa Magaaladaasi Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ay ku soo eedeeyeen in uu lunsaday lacag badan, isla markaana loo ogolaado in ay yeeshaan fadhi ay xilka kaga xayuubinayaan duqaasi.




