Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye Maxamed Kaahin ayaa la sheegay in uu Afhayeenka Kulmiye Cabdinaasir Buuni ka mamnuucay inuu warbaahinta Kula hadlo afka Kulmiye.
Wasiir Kaahin waxa uu Buuni ka joojiyey shirarkii jaraa’id ee uu ku qaban jiray isaga oo magaca Kulmiye sita.
Warar aan ka helay xisbiga Kulmiye ayaa ii xaqiijiyey in talaabada Wasiir Kaahin uu qaaday ay ka mid tahay qorshaha uu ugu diyaar garoobayo hogaaminta xisbiga Kulmiye, ka dib markii la sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku Wareejinayo Xisbigaasi.
Waxa Qoray Axmed-Dahir Nuux




