Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
SomalilandMaxaa Iska Beddelay Doorashadii Madaxtinimada 2022 iyo Furista Ururada. Xog Muhiim ah.

Maxaa Iska Beddelay Doorashadii Madaxtinimada 2022 iyo Furista Ururada. Xog Muhiim ah.

(Isniin, 17-01-2022)-Doorshada Madaxtinimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku astaysan 13-Noofeembar, 2022. Doorashadan madaxtinimada iyo Furista Ururada ayaa Muran badan ka dhaliyey Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda.

shalay uun bay hayd markii Maxkamadda Sare ee Somaliland ay soo saartay ka garnaqii qaarka mid ah xildhibaanadu u gudbiyeen. Maxkamaddu waxay ka gaabsatay in ay taageerto xukuumadda, Xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaanadii daba ka riixayey Furista ururada. Cayimidda wakhtiga doorasho la qabanayo waxa iska leh komishinka doorashooyinka ( Xeer 91/2020).

Maxkamaddu waxay dib ugu soo celisay Golaha Baarlamaanka furista Ururada, iyada oo maxkamaddu cuskatay Xeer NO.14/2011, kaas oo baarlamaankii hore ansixiyey in tobankii sanaba hal mar la furto ururo  ay ka soo dhexbaxaaan Saddexda Xisbi Qaran ee siyaasadda dalka hagi doona tobamka sano ee soo socda. Maxkamaddu waxay sheegtay in Guddida Doorashooyinku qabanayaan doorashada lagu kale saarayo ururada. Sidoo kale, waraaqda ka soo baxday maxkamadda waxaa ku qornaa in doorashada madaxtinimadu ay wakhtigeeda ku qabsoomayso.

Wakhtiga la abuurayo urur siyaasadeed waa 6 bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada golayaasha deeganka ( Maxkamadu ku bedeshay doorasho urur/xisbi toos ah )
Mudada hawl-galada ururadu waa 6 bilood, waana ku meel gaadh, 6 bilood ka badan ma jiri karaan, wax xaq ah oo ay u leeyihiin inay doorasho golayaal ka qaybgalaan ma jirto, sida uu sheegayo qodobka 20aad ee Xeer 14/2011, xisbiyada qaranka ayaa leh xaqa inay doorasho golayaal ka qaybgalaan. kaliya 6daa bilood hawl cayiman oo xeerku tilmaamayo ayay qabanayaan.
Mudada qabashada codsiyada diiwangalinta ururada siyaasadeed waxa iska leh gudidda diiwangalinta ururada, inta ka horaysa qof ama kooxna xaq uma laha inay urur siyaasadeed shaaciso. Walaw ay jiraan shakhsiyaad ku dhawaaqay ururo ay furan doonaan.
In golayaasha sharci dejintu kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyaan xeerarka doorashooyinka ka fursan mayso, inta ka horaysa muda xileedka asxaabta qaranka.
<img class="j1lvzwm4" role="presentation" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />

 

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles