Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa booqasho shaqo ku jooga Wadanka hindiya. waxa uu la kulmay madax kamid ah wadankaasi iyaga oo ka wada hadlay mashaariic horumarineed ooah dhinaca caafimaadka iyo dhisidda cusbitaalo.
“Waxaan Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya kulan ku yeelanay Prof Nabhit Kabur oo u sharaxan abaal marinta Nobel Peace Prize 2022 ayaa sidoo kale si balaadhan noo soo dhaweeyay”, Mudane Saylici ayaa bartiisa facebook ku qoray.
 Waxa uu sii raaciyey, “Kulankayaga ayaa intii uu socday kaga wada hadlay arrimo kala duwan oo lagu xoojinayo xidiidhka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada horumarka ee Waxbarashada, Caafimaadka, wax-soosaarka, duulimaadyada, I.W.M.”.