Hargeisa
broken clouds
19 ° C
19 °
19 °
67 %
8.3kmh
69 %
Fri
23 °
Sat
24 °
Sun
24 °
Mon
24 °
Tue
22 °
spot_img
Friday, January 21, 2022

Musharax Madaxweynaha Somaliland Cirro oo u dhoofay Ethiopia

Guddoomiyaha mucaaradka ugu weyn ee Somaliland Mudane...

Nuxurka Go’aamo ka Soo Baxay Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta

Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland...

Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti uu Hogaaminaayo oo Dhawaan Tagi Doona Dalka Itoobiya.

Wararka CaalamkaMadaxweynaha Somaliland iyo Wafti uu Hogaaminaayo oo Dhawaan Tagi Doona Dalka Itoobiya.

(khamiis,  13-01-2022)-Ilo wareedyo mihiim ah oo ku kala sugan Hargeysa iyo Addis Ababa ayaa shabakada  wararka ee qarannews.com u xaqiijiyay in madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayaa ay todobaadkani ku tagi doonaan dalka jaarka aynu nahay ee Itoobiya.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in martiqaadka xiligani uu ka yimid dhanka dawlada Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr Abi Ahmed, ma cada waxyaabaha ay dawlada Itoobiya ay danaynayso in ay kala hadasho dawlada Somaliland.

Dhanka kalena waxa jira dareen shacab iyo mid dawladeed oo ay reer Somaliland ka qabaan xukumadda Abi Ahmed oo ay sheegaan in uu si toos ah ula safanyahay dawlada Muqdisho oo ay midnimadii kala laabteen 30 sano ka hor iyada oo aanu madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Somaliya aanu arimahaasi  aanu qarsaninba oo uu goobo badan ka sheegay in uu Somaliland ka soo xidhay xidhiidhkii ay la lahaayeen Itoobiya.

Sida ay doontaba ha ahaatee xukumadda Somaliland waxa ay sugtay amniga xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya taasi oo ay labada dal si nabad ah isu dhex maraan taasi oo uu kow ka yahay ganacsiga isaga gudba labada dal.

Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo xaga Somaliland ama xaga Itoobiya ka soo baxay oo ku saabsan safarka uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagi doono dalka Adis Ababa

Source: Qarannews.com.

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles